Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii Jimcihii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.
Xildhibaan Xasan Yare oo la hadlay TV-ga Afka Soomaaliga ku baxa ee Universal ayaa waxaa uu sheegay in inuu kamid ahaa dadkii ka badbaabay weerarkii lagu qaaday Hotel Cas-caseey oo rag ka tirsan Al-shabaab ay weerareen,isla markaana halkaas lagu dilay Wariyeyaal,Ganacsade iyo Musharax Madaxweynaha Jubbaland iyo dad kale oo shacab ahaa.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in weerarkii ka dhacay Kismaayo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya,isla markaana uu xirrir ka dhexeeyo dowladda iyo Al-shabaab,lana doonayo in la qal-qal galiyo Amniga Doorashada Jubbaland.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare ayaa tilmaamay in ragii fuliyay weerarkii Hotel Cas-Caseey ay wateen dharka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka,iyadoona dhawaan Dharkaas Ciidanka Booliska loogu qeybiyay Iskuul Buluusiya.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland ayaa sheegay in Hotelka la beegsaday ay daganaayeen Dad taageersan Maamulka Jubbaland ee hadda Jira.
Hadalka Xildhibaanka ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo weerar isugu jiray Qarax iyo mid toos ah Gelinkii dambe ee Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotel Cas-Caseey ee ku yaalla Magaalada Kismaayo,waxaana weerarka ku dhintay Wariyeyaal,Ganacsade iyo Musharax Madaxweynaha Jubbaland iyo dad kale oo shacab ahaa.
Hoos ka Dhageys Codka Xildhibaan Xasan Yare.