Ciidanka amniga oo howlgal ka wada Magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga.

Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee Dhuusamareeb ayaa soo sheegayaa in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay.

Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad badan dhalinyaro.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta waxaa ka dhacay qarax Khasaaro geystay,kaasi oo mid ismiindaamin ah oo ka dhacay Maqaayad yar oo lagu shaaheyo oo ku taalla ka soo horjeedka Xarun lagu magacaabo Inji.

Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo uu yahay Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Baraka-Qabe oo kamid ah Xildhibaanada dowladv Goboleedka Galmudug,kaasi oo la geeyay Isbitaalka ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale dadkii halkaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray Haweeneydii laheyd Maqaayada iyo Saddex Carrur oo ay dhashay,kuwaasi ku sugnaa Maqaayada xiliga uu qaraxu dhacayay,isla markaana waxaa uu ku dhintay oo kaliya ruuxii Is-qarxiyay oo kaliya.

Comments
Loading...