Dhageyso:-Xildhibaan dalbaday in la xiro qunsuliyada Turkiga ee Magalada Hargeysa

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland oo Warbaahinta kula hadlayay Hargeysa ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda Qunsuliyada Turkiga uu ku leeyahay Magalada Hargeysa.

Waxa uu sheegay in qunsiliyada qof walba oo tago ee doonayo in uu helo Baasaboorka dalka Turkiga uu dhibaato ku qabo,isla markaana ay mudo ku qaadato in uu helo.

“Qof walba oo xarunta tago dhibaato ayuu ku qabaa,marraka qaar lix bilood ayay kugu qaadaneysaa,oo maba laga helayo baasaboorka, manaqaano waxa heysta amaankooda waan ilaalinaa oo Al-shabaab iyo cid kale kama baqayaan ayuu yiri Xildhibaanka.

Xukuumadda talada heysa ayuu ugu baaqay inay albaabada isugu laabto Qunsuliyada Turkiga uu ku leeyahay Magalada Hargeysa oo uu sheegay in adeegyada bulshada ugu baahato aysan ka helin.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa ka mid ah Xubnaha Golaha Wakiilada ugu cadcad intabadana waxa uu wax ka gaaraa go’aamada ay qaadanayaan Madaxda Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor