Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa ujeedkiisa ahaa Al-shabaab looga saari lahaa degaanada iyo degmooyinka ay ka joogaan Gobolada jubboyinka.
Degaanka Janaay Cabdalla waxaa hore uga Sugnaa dagaalyahano  Al-shabaab iyagoona ay Ciidamada Xoogga Dalka ay ka weerareen labo jiho .
Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgal qorsheysan ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbbaland lagu xureeyay degaanka Janaay Cabdalla.
General Bogmadow ayaa tilmaamay  in dagaalkii Al-shabaab ay la galeen uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 10 dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab,halka lagu dhaawacay 22 Saraakiil,waa sida u dhigay General Bogmadow.
Sidoo kale S/guudto Bogmadow ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab looga qabsaday Afar gadiid oo ah kuwa dagaalka iyo hub fara badan.