Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka ee Africa iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen labada qodob oo kala ah Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya,iyo in Soomaalida laga qaado xayiraada dhinaca socdaalka ah ee ka saaran Mareykanka.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay sidoo kale ka dalbadeen inay aqoonsadaan baasabaoorka Soomaaliya si lamid ah Wadanka Norwey oo dhawaan aqoonsaday.
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinaca Amniga,haba ugu weynaatee tababarka ciidamada iyo sidoo kale fulinta weeraro cirka ah oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.