Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka aya shaki ka muujiyay in doorashada dalka ay waqtigeeda ku dhacdo xilli Madaxda Dowladda ay sheegeen in dalka ay gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Xukuumadda Soomaaliya aysan xilligaan ka muuqaan diyaar garoow ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
“Waxaa walwal badan axsaabta Siyaasada ka qabaan gaar ahaan xisbigeena Ileys sida ay Maanta ku socoto uma eko qaab dadka soomaaliyeed ay ku gaari karaan doorasho qof iyo cod ah,waxaana sabab u ah Xukuumadda oo aan ansixin sharciga axsaabta ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.
Mudo laba bilood ka hor ayuu sheegay in Madaxweyne Farmajo ku amray Xukuumadda inay ansixiso Sharciga Axsaabta,hayeeshee Xukuumadda ay u muuqato mid ay ka gaabiso,waxaana uu ugu baaqay Golaha Wasiirada inay Golaha Shacabka u soo gudbiyaan Sharcigaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble.