Dhageyso:-Qodobkii lagu ansixiyay Kulankii Baarlamaanka Jubbaland

Baarlamanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxa ay yeesheen fadhigii 65-aad ee kalfadhiga afaraad,kaas oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Kulanka ayaa xaadiray 43 Xildhibaan, waxaana lagu ansixinayay xeerka nootaayada Dowlad-goboleedka Jubbaland,kaas oo ay horay uga doodeen xildhibaannada.

Kulankaan ayaa shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Mudane Cabdi Baaley Xuseen,waxaana mudanayaashii ka qayb galay ay si wayn uga doodeen xeerka Nootaayada Jubbaland.

Dood dheer kadib ayaa Xildhibaanada  cod gacantaag ah waxa ay ku ansixiyeen xeerka nootaayada Dowlad-goboleedka Jubbaland,kaas oo la sheegay in uu muhiim u yahay Shaqooyin farabadan.

Guddoomiyaha guddiga Habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed Baahale, ayaa Warbaahinta faah faahin kasiiyay kulankii Maanta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor