Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin faragelin lagu haayo doorashada dhawaan ka dhaceysa Magaalada Baydhabo.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Wasaarada arrimaha gudaha Dowlada Soomaaliya ay la shaqeyso guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya,isla markaana jirin faragelin dowlada ku heyso doorashada.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dadka sheegayo in faragelin lagu haayo Doorashada ay Ujoodooyin gaar ah ay leeyihiin,wuxuuna tilmaamay in doorashada ku dhaceyso waqtigii loogu talagalay.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Xildhibaan Afaraale Ciidamadii la geeyay Magaalada Baydhabo,waxaana uu sheegay in go’aan lagu geeyay halkaasi,isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Magaalada Baydhabo, gaar ahaan halka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Koonnfur Galbeed Soomaaliya.
Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo 19-ka Bishan,waxaana jiray in dhowr jeer oo hore dhib u dhac uu ku yimid doorashada.
Hoos ka dhageyso Codka Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale