Xildhibaan Cabdullaahi Ganey oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad walaac uga muujiyey xalada amni ee dalka xilli uu Maanta hadal ka jeedinayey kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in xaafado ka tirsan Muqdishi ay habeenada qaar la wareegaan Al-Shabaab,sidoo kalena Garsoor looga doonto Awdheegle iyo deegaano kale oo ay Al-Shabaab maamulaan.
“Runtii amniga dalka faraha ayuu ka baxay Madaxtooyada horteeda aya leysku dilayaa,habeen dhaweyd hurwaa ayay Al-Shabaab qabsadeen subaxdii ayay ka baxeen,waxaan leeyahay Ra’isiul Wasaare Is casilay waad fashilantaye.
Isaga oo sii hadlayey ayuu soo hadal qaaday khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda iyo Dowlad goboleedyada,waxana uu sheegay in dowladda ay ku mashquushay Baraha Bulshada taasina ay sababtay in amniga dalka uu xumaado.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Ganey.