Daahir Aamin Jeesoow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa fariin culus u diray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir ayaa waxa uu sheegay in Golaha Wasiirada fadhiga ugu soo horreeya Golaha Shacabka hadii ay ku hor imaan waayaan Mooshin uu isaga hogaaminayo ka keeni doonaan,isla markaana ay ridayaan.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir Aamin Jeesoow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa digniinta uu diray Ogeysiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
“Waxaa ballan ku qaadeynaa haddii fadhigaan fadhiga xiga ay Wasiiradu Imaan waayaan Wallaahi baan ku dhaartee Mooshin ayaan ka keeneynaa halkaan ayaana ku rideynaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ha ogaado”ayuu yiri Jeesow.
Xidlhibaan Daahir Aamin Jeesoow ayaa kamid ahaa xubno Xildhibano ah Maanta si weyn uga soo horjeeday Ajendihii Maanta ee Kulanka Xildhibanada ee u baaqday Kooram la’aanta,kaasi oo ahaa Warbixin looga dhageysto Guddiga dib u eegista Dastuurka.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhiban Jeesoow.