Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,ayaa sheegay in la dhaqangeli doono Go’aanadii horay loo soo saaray ee ahaa in aan hubka culus iyo Gaadiidka dagaalka aan lagu dhex qaadan magaalada muqdisho.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in mudo Sadax Bil gudahood ah amni laga dhigi doono Magaalada muqdisho islamarkaana cid kasta oo ka hortimaada howlgallada Ciidamada Wadaan talaabo Sharci ah laga qaadi doono.
Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Bilaha soo socda Muqdisho laga dhigi doono mid aan qarax ka dhicin dadna lagu dilin xukuumaddana ay taasi qorsheysay loona baahan yahay Shacabka in ay la Shaqeeyaan ciidamada.
Hoos Ka Dhageyso Codka