Ugu yaraan 60 Askari oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Syria.

Dowladda Syria ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanka duqeyn ku dileen 62 Askari, kuna dhaawaceen 100 kale.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Syria ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee QM inay cambaareeyaan weerarkaasi lagu dilay Askar ku sugneyd meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Milliteriga ee Dayr Alzuur.

Dowladda Raashiya ayaa xaqiijisay inay Afar Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanka oo ka soo duulay Garoon ku yaalla gudaha dalka Iraq  geysteen weerarkaasi

Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay inay jirto dhacdadaasi, balse la joojiyey in la sii duqeeyo goobaha ay Milliteriga Dowladda Syria joogeen.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor