Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Maanta Saxaafada la hadlayay ayaa soo saaray natiijo hordhac ah oo ka soo baxday toogashadii Arbacadii ka dhacday Isgoyska Fiya-Rooma ee Degmada Xamerweyne.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xumuukada Federalka Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa soo saaray Go’aanadan :-
1-Waxaa xilalkii laga qaaday Taliyaasha Booliska iyo Nabad sugida ee Degmada Xamerweyne Xabsiga ayaana la dhigay.
2- Waxaa xabsiga la dhigay 12-Askari oo ku qorneed Isgoyska Fiya-Rooma iyo Iskoos kale oo ka agdhaw.
Sidoo kale Wasiirk waxa uu sheegay in weli uu socda Baaritaanka la xiriira kiiskaas dilka ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya.