Dhageyso:-Wasaarada Amniga oo fariin u dirtay Shacabka Muqdisho

Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Sayid Carab oo maanta Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada muqdisho ayaa ka hadlay hwolagallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay habeenadii la soo dhaafay ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

Waxa uu sheegay in looga baahan yahay Shacabka in ay Ciidamada kala shaqeeyaan dhanka amniga isla markaana ay u fududeeyaan waqtiyada ay howlgallada ku jiraan.

“Aniga oo ku hadlaya Codka Wasaaarda Amniga waxan ka dalbanayaa Shacabka ku nool gobolka Banaadir in ay ciidamada kala Shaqeeyaan amniga xiliyada ay wadaan howlgallada ka dhanka ah cadawga Al-Shabaab iyo goobaha taargedka ah oo ay ku sugan yihiin ayuu yiri Afhayeenka”

Habeenadii u dambeysay Ciidamada dowladda waxa ay howlgallo ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyada oo howlgalkii u dambeeyay oo ay ka sameeyeen degmada Dharkenley ay ku soo qabteen hub iyo waxyaabaha Maanka dooriya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaarada Amniga

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media