Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaaden fariisin ciidamada dowladda ku leeyihiin Suuqa Xoolaha degmada Mahadaay ee loo yaqaano Hararka.
Dagaal mudo socday ayaa halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray kaas oo geystay khasaaro dhimasho ah.
Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Mahaday ayaa Dalsan u sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen laba Askari oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha.