Dhageyso:-Wararkii u dambeeyey dagaal ka dhacay Muqdisho

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay Waaxda Kaawa godeey ee degmada Dharkenley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw Warshada Nacnaca,waxana la sheegay in uu u dhaxeeyo Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda balse u abaabulan hab  beeleed.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaas uu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale,welina la ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagalamay oo isku-khilaafay Dhul uu dhismo ka socday,isla markaana maleeshiayadka qaarkood ay lacag ka qaateen.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey Maamulka degmada Dharkenley in aysan waxba ka qaban dagaaladaas oo ah kuwo kusoo lab laabtay Waaxda Kaawa Godey ee degmada Dharkenley,isaga oo baaq u diray Madaxda dowladda Soomaaliya.

Sikastab dagaalkaas weli wax faah fahin ah kaba bixin maamulka degmada Dharkenley balse xiriir aan la sameynay kama jawaabin taleefoonadeena,waxana wararkii u dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan balse weli ay ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

Hoos Ka Dhageyso Qof ka mid ah dadka ku nool goobta lagu dagaalamay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media