Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday wadahadladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo mudo bilooyin ah hakad ku jirta xili uu ka qeyb galayay Barnaamij sitoos ah uga baxayay Idaacadda BBBC-da laanteeda afka Soomaaliga.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan kala maarmin oo isku baahan sidaas daraadeedna wahadaladaas ay dib u bilaaban doonaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in kala taga dadka Soomaaliyeed ay sahashay in dhalinyradii Soomaaliyeed ay dalal kale u cararaan oo dhibaato ay soo gaarto.
Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa horay waxa ay u wada yeesheen wadahadalo aan weli wax natiijo ah ka soo bixin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.