Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ku xiran saxafi ay shaley xireen ciidamada amniga ee maamulka Jubbaland.
Saxafigan oo latgu magacaabo Saabir Cabdulqaadir Warsame, ayaa la xiray xilli uu waday shaqo uu ku duubayay sida la sheegay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 1-aad ee markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabtay.
Ehelka saxafigan ayaa sheegay inaysan jirin wax dhib ah oo uu weriyahan geystay. Ururka suxufiyiinta Soomaalida ee NUSOJ ayaa ku baaqay in la sii daayo suxufigan.
Xogheyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimo ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xariga Wariyaha isla markaana ay ka dalbanayaan Maamulka Jubbaland in Wariyaha ay xurriyadiisa siiyaan.
Hoos Ka Dhageyso Xogheyaha NUSOJ Macalimo.