Taliyihii hore ee Hay/adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo shalay gaaray Baydhabo ayaa la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwna ee Bulshada.
Xuseen Cismaan Xuseen ayaa kulanka kadib sheegay in dadka Reer Koonfur Galbeed ay xilligaan u baahan yihiin isbedel dhab ah oo dhanka hoggaanka ah.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada iyo Bulshada ay heysten dhibaatooyin kala duwan laakin ay rajo ka qabaan in uu isbedel ka dhaco Koonfur Galbeed.
Xuseen Cismaan Xuseen oo dhawaan iska casilay xilka Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya ayaa k mid ah musharixiinta Koonfur Galbeed,sigaar ah waxaa loogu tirinayaa musharixiinta ay taageereyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyihii hore ee NISA.