Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Shir Jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.
General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in Al-Shabaabkii lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga.
S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay Hadal ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada.
Ugu Dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.
Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.