Dhageyso:-Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyay howlgallo laga sameeyay Muqdisho

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta Taliska ciidanka booliska ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay saddexdii maalin ee la soo dhaafay Caasimadda ka sameeyeen howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa tilmaamtay in howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ay qeyb ka tahay qorshe balaaran oo lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambeyntii Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka tacsiyadeysay dil maanta Muqdisho loogu geystay mid ka mid ah wadayaasha mootada Bajaajta loo yaqaan oo askari ka tirsan ciidanka minishiiibiyada uu ku dilay Muqdisho, waxaana ay intaa ku dartay in maxkamad lala tiigsan doono askariga falka dilka ah geystay.

Hoos ka Dhageyso Codka  Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media