Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Maamulk Soomaaliland waxaa saakay uu dagaal kooban ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaliland iyo dad Shacab ah oo ku noolaa Magaaladaas.
Arrintaan ayaa salka ku heysay kadib markii laba qoys oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Boorama ay isku qabsadeen dhul halkaasi ku yaalla, waxaana Shaqaaqadaas ku dhaawacmay laba Ruux oo ka mid ah dadkii isku heesta dhulkaas.
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Awdal oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii ay soo kala dhexgaleen Shaqaaqadii ka dhacay Magaalada Booramo ay Booliiska soo rasaaseeyeen Kooxo Burcad balse dqiiqado kadib qaar ka mid ah Burcadaas ay Gacanta ku digeen.
Waxa uu ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Boorama in ay ciidamada kala Shaqeeyan Sugida dahnka amniga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Booliiska Gobolka Awdal