• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Maqal

Dhageyso:-Su’aalihii ugu adkaa ee la weydiiyay Xukuumadda iyo sida ay uga jawaabtay (Warbixin)

Bilan Media by Bilan Media
August 31, 2017
in Maqal, Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wariyaal ka socday warbaahinta soomaallida iyo tan caalamiga ah ayey xukumadda Soomaaliya u ogolaatay in ay weydiiyaan Su’aalo ku saabsan wax qabadkooda iyo xaaladda wadanku uu marayo.

Waxa ay ahayd markii ugu horeysay oo raisal wasaaraha iyo xubno ka mid ah Golihiisa wasiirada ay saxaafaddu su’aalo weydiiso.

Su’aalaha la weydiiyey xukuumadda oo la xiriiray Amiga, dhaqaalaha, Musuqa, Siyaasadda dibadda iyo tan gudaha waxaa ka mid ahaa arrin guux badan dhalisay oo ahayd in dowladda Soomaaliya ay itoobiya u gacan galisay Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Jabhadda ONLF, Taliyaha nabad sugidda oo ra’isal wasaaraha ka xigsaday jawaabta su’aashaas ayaa diiday in ay fahfaahin ka bixiyaan arimahaas waxa uuna yiri.

“Arrinka la xiriira sarkaalka la sheegay in uu ONLF yahay ee dowladdu wareejisay sida aad la socotaan waa arin xasaasi ah oo ay tahay in waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo”

Dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa isu soo dhiibay Abuu masnuur roobow oo ka mid ahaa madaxda Alshabaab, waxaa soo baxay warar sheegayey in wada hadal uu u socdo Abuu Mansuur iyo dowladda, raisal wasaaraha ayaa la weydiiyey nooca wadahadal ee socda marba haddii uu isi soo dhiibay Roobow raisal wasaare kheyre ayaana yiri.

“wadahadalkaas waxa uu lugta ama salka ku hayaa in aan raadino ama baarno sidii aan ku heli lahayn qaab aan uga faaiideysanno cid walba, markii uu soo dhammaado wadahadalkaas isaguna maadaama hadda aan ku heshiinay in aan bil walba kulano ayaan idiin soo bandhigi doonaa, waa wadahadal ku salaysan danta dowladda soomaaliyeed iyo danta amniga umadda Soomaaliyeed” Kheyre

Jaamac Nuur oo ka socday Tv-ga Aljaziira ayaa waxa uu raisal wasaaraha weydiiyey waxa ay ka ogyihiin in Ciidamada Xasilintu ay dadka shacabka ah ee Gawaarida wata weydiiyaan aqoonsi dowladeed, C/laahi Maxamed Cali Sanbololshe taliyaha nabad sugidda ayaa qiray in arintaas ay jirto kuna tilmaamay mid khalad ah, wuxuuna intaas ku daray in ay wax ka qaban doonaan.

Dhawaan Hirshabeele iyo puntland ayaa qaadacay mowqifkii dowladdu ay ka qaadatay arinta khaliijka taas oo muujineysa wada shaqayn xumo ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, aragtida xukuumadda ee arintan ayuu ra’isal wasaaruhu ka jawaabay waxa uuna yiri.

“dastuurka umadda Soomaaliyeed haddii aad aragto qodobadiisa waxaa jira shaqooyin loo igmaday dowladda federaalka shaqooyinkaas waxaa kow ka ah siyaasadda arrimaha dibadda, sidaas daraadeed waxaan rabaa in aan kuugu nasteexeeyo marka ay madaxweynaha iyo xukuumadda iyo madaxda qaranka ee jooga Magaaladda Muqdisho ay gaaraan go’aan go’aankaas waa mid dastuuri ah oo uu noo igmaday dastuurka umadda Soomaaliyeed” Raisal wasaaraha.

Wasiirka amniga Soomaliya Maxamed Abukar islow ducaale oo isna ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey amiga Dalka gaar ahaan muqdisho, waxa uu sheegay in 3 bil ee ugu dambeysay dowladdu ay sameysay qorshayaal amni kuna guuleysatay in ay ka hortagto falal amniga wax u dhimi lahaa oo isugu jira, qaraxyo, weeraro toos ah, dilal qorsheysan iyo hanjabaadyo.

Su’aalaha ka I yimid amniga waxaa ka mid ahaa sida xukuumaddu amniga uga shaqayn karto iyada oo xafiisyadoodu ay ku kooban yihiin madaxtooyada iyo nawaaxigeeda, Waxaana Xasan Cali kheyre balan qaaday in dhawaan uu ka guuri doono madaxtooyada oo uu xafiiskiisu ku shaqayn doono meel ka mid ah magaalada, si taas la mid ahna golihiisa wasiirada ayuu ku amray in ay ku shaqeeyaan xurumihii hore wasaaradaha.

Maadaama raisal wasaaraha soomaaliya dhowr jeer uu ku celiceliyey In ay la dagaalamayaan musuq maasuqa ayaan weydiinay cid ilaa iyo hadda ay usoo qabteen si uu uga jawaabo su’aasheena waxa uu isweydiiyey dhowr su’aal.

Xasan Kheyre “ musuq maasuqu dhab ma naga yahay? Haa in aan ka shaqayno, dad ma loo xirxiray? Haa waa loo soo xiray, dad badan ma yihiin? Maya ma ahan, shaqadeedii ma wadnaa? Haa, maxaa talaabo ugu horeeya? horta Baarlamaanku waa in ay sharciga soo ansixiyaan markay soo ansixiyaan waxa uu nasiin doonaa guddi dhan oo shaqadoodu tahay in ay dabagalaan musuq maasuqa awoodna u leh dadka in ay maxkmad keenaan”

Habka shaqaaleysiinta dowladda oo dadku aamisan yihiin in aysan cadaalad ku dhisnayn ayuu sheegay Xasan kheyre in uu wax ka badalayo isaga oo balan qaaday in Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xoghayaasha joogtada ah ay xayeysiin doona bilaha soo socda loona tartami doono.

Dhawaan Itoobiya waxaa laga keenay maxaabiis soomaali ah oo muddo dheer ku xirnaa, hadda waxa ay ku sugan yihiin xarun ay maamusho dowladda Soomaaliya oo muqdisho ku taala Radio Dalsan ayaa markale raisal wasaaraha weydiiyey waxa ay ka yeelayaan maxaabiistaas.

“Arrinkii maxaabiista, maxaabiistii waa ay joogaan waxaana rabnaa in ay maraan nidaam lagu kala hufo lagu ogaado xaaladda ay ku jiraan familadooda cidda aan la garanayn lagu raadiyo laakiin waxaan rabaa in aan idiin sheego waxaa jira maxaabiis badan oo Soomaaliyeed oo ku xiran meelo kala duwan, kuwa laga keenay itoobiya oo kaliya ma ahan waxaan la sixiixanay hadda heshiis dowladda Hindiya  oo wasiirkeena arimaha dibadda uu tagay haddana shaqo kaga wado oo aan rabno in aan kusoo celino, maxaabiis badan ayaa nooga xiran oo meelo kala duwan oo ay Siishalis ka mid tahay oo aan wada hadal kula jirno, ay Ka mid tahay Tanzaaniya oo ay ka mid tahay Uaganda oo ay ka mid tahay Cumaan waxaan rabnaa in aad nagala shaqaysaan arimaas oo dhan oo xukuumadda ahmiyad gaar ah uleh oo aan rabno bilaha soo socda in aan soo dhammaystirno”

Kulan su’aale weydiinta ah ee xukuumaddu ay ugu yeertay saxaafadda oo ahaa kii ugu horeeyey ee su’aalo toos ah la weydiinayo ayaa warbaahinta soomaalida u ahayd fursad fiican oo ay xukuumadda kaga heli kareen xogo ay u baahnaayeen, inkasta oo raisal wasaaraha iyo golihiisa wasiiradu ay su’aalo badan ka jawaabeen, haddana waxaa jiray culays wariyaasha uga imaanayey xubnaha xafiiska raisal wasaaraha u qaabilsan saxaafadda kuwaas oo dhowr jeer isku dayey in ay caburiyaan wariyaasha waxaana u sahlayey in ay garwadeen ka ahaayeen Barnaamijkan su’aalo weydiinta ahaa.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta oo ay Si wadajir ah u diyaariyeen Farxiyo Maxamed Xuseen iyo Xasan Maxamed Daahir.

 

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2017/08/Warbixin-farxiyo-muraad-suaalo-weydiinta-Reysul-wasaaraha-sax.mp3
Previous Post

Dhagayso: Warka Subax Ee Radio Dalsan

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka digay gaabis ku yimaada Taageeradda Beesha Caalamka ee Hawlgalka AMISOM

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

May 18, 2025
Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka digay gaabis ku yimaada Taageeradda Beesha Caalamka ee Hawlgalka AMISOM

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

by Ilhaan
May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya,...

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

by Liban
May 19, 2025
0

Mogadishu, Somalia – A highly sensitive and potentially divisive legal debate unfolded today in Somalia’s Federal Parliament as members of...

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Office of the Auditor General of Somalia  recently took part in an important African Union (AU) meeting in Lomé,...

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe), accompanied by Member of Parliament Mohamed...

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
English News

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
English News

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations
English News

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation
English News

Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
  • Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
  • Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
  • NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00