Dhageyso:-Siyaasiga Cabdiraxmaan Baadiyoow,oo taageeray Go’aanka dowladda ee Khilaafka Wadamada Khaliijka

Iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan  Go’aan dhex dhexaad ah ay ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Wadamada Khaliilka ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed iyo waliba Siyaasiinta qaarkood.

Siyaasiga C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi(Badiyoow) oo dhowr mar iskusoo Sharaxay madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaliya Go’aanka ay ka qaaday khilaafka Wadamada Khaliifka u dhaxeeyay uu yahay mid geesinimo leh islamarkaana loo baahnaa.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dalkeena haatan uu yahay weli mid burbursan balse go’aanka dowladda uu yahay mid lagu farxo loona baahan yahay dowladda Soomaaliya in ay samneyso arin xal u naqaneyso xiisadaas.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay dhamaantood siwadajir ah u taageeraan go’aanka ay qaadatay dowladooda.

Hoos ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media