Akhriso:-Kulan xasaasi ah oo ka socda Magalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalakcyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi kulan uga socdo Xildhibaanada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Galmudug iyo Odayaasha Dhaqanka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa Warraka aan heleyno waxa ay sheegayaan inuu yajay mid looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa Warbaahinta ay dibad-joog ka tahay,waxana xogaha aan heleyno ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ay Sanoterada u soo bandhigayaan qodobo xal loogu heli karo khilaafka Galmudug.

Sidoo kale Xildhibanada Aqalka sare ayaa ka filayaa in kulan ay la qaataan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kasi oo ay kala.hadli doonan xaalada hadda ay mareyso Galmudug iyo sida la isku soo dhaweyn karo madaxda Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor