Dhageyso:-Shacabka Muqdisho oo ka hadlay qorshaha lagu furayo waddooyinka xiran

Kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed  [Finis] uu ku dhawaaqay in dib loo furayo waddooyinka amni darada loo xiray ayaa arrintaas waxaa ka hadlay shacabka degan Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankaas kuna bogaadiyay duqa cusub istaraatiijiyaddiisa ku aaddan in uu dib iskugu furo jidadka xiran.

Xirnaashaha wadooyinka magaalada waxa ay saameynta ugu badan ay ku yeelatay ganacsatada gaadiidleyda gaar ahaana kuwa xamuulka iyo kuwa dadweynaha qaada.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media