Dhageyso:-Saddex dhibaato oo soo wajahday Soomaalida ku nool deegaano ka tirsan DDS

Soomaalida ku nool deegaanka Balbaleyti oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmayaan qowmiyaddii kale ay la deggaan deegaankaasi.

Dadkani ayaa sheegaya in qoysas badan oo Soomaali ah ay ku xayiran yihiin deegaankaasi isla markaana loo diiday in ay halkaasi ka baxaan, iyadoo sida ay sheegayaan ay jiraan dhibaatooyin kale oo loo geysanayo, ayna xaaladda ku adag tahay.

Mid ka mid ah soomaalida halkaasi ku xayiran ayaa sheegay in xilligaan ay dareemayaan culeys farabadan,sida inaysan heysan xurid,xoolahooda la dhacay iyo in laga hos-istaagay inay Ganacsadaan.
Waxa uu sheegay in hadda ay sigaar ah u joogaan Goobo ay ku sugan yihiin Ciidamada federaalka Itoobiya,isla markaana meelna ay uga bixi karin.

Xiisadaha iyo dagaalka u dhaxeeya Qowmiyada Oromada ayaa ha mid mudo farabadan soo jiitameyey,isla markaana bilihii u dambeysay uu ahaa mid sii xoogeysatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor