Waxgaradka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa walaac ka muujiyay rasaasta marwalba lala beegsado dadka Shacabka ah xiliyada ay ku safryaan Wadooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Axmed Maxamed Gaambiya,oo ka mid ah Waxgaradka Shabeellaha hoose oo wareysi siiyay Xarunta Warqabadka Radio Dalsan ee Gobolka Shabeellaha Hoose aya wax laga xumaado ku tilmaamay rasaasta mar walba kooxaha ku labisan dareeska ciidanka dowladda ay ku furaan Gawaarida Shacabka.
Maalma ka hor ayaa waxaa rasaas lagu furay Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah,waxana taliska Booliiska Afgooye ay sheegeen in raggii ka dambeeyay falkaas Gacanta lgu dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Afgooye ka soo diray Wariyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da