Golaha Wasiirada dowladda Puntland ayaa go’aan culus ku gaarey in la gubo lacagaha shillinka Soomaaliga ee lagu sameeyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee lagu soo daabulayo deegaamada Puntland.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Golha wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in ay wanagsan tahay in la sameeyo Istiraatiijiyad looga hortagayo mushkiladaha ka dhashay lacagta Shilinka Soomaaliga.
War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan laga doonayo in ay dowladda Soomaaliya ay la timaado qorsho lagu mideynayo lacagta Shilinka Soomaaliga maadaama Mamulada qaar ay isticmaalaan lacago ay iyaga sameesteen.