Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa booqasho ku tagay degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku nool yihiin shacab Soomaaliyeed oo in ka badan 27-sanno Qaxooti ku ah deegaanka.
Ra’iisul Wasaare kheyre oo la hadlay dboqolaal ka mid ah dadka qaxootiga ah ee soo dhaweeyey ayaa waxa uu sheegay in ugu yimid booqasho uu ugu kuur galayay xaaladooda inta uusan dib ugu laaban Magalada Muqdisho.
“Dawladda uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo waa dawladii shacabka, idinkuna waxaad ka mid tihiin shacabka Soomaaliyeed. Sidaa darteed anigoo ah Ra’iisul Wasaasraha Soomaaliya oo yimid Jabuuti waxay ila noqotay ceeb in aan idin soo salaami waayo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey dowladda Jabuuti tageerada ay marwalba la garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed iyo soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah Gudaha dalkaas,isla markaana qaootiagay ay joogaan dal la mid ah dalkooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay dadkaas qaxootiga ku ah dalka Jabuuti in dalkooda hooyo uu soo wanaagsanaan doono,isal markaana ay dhawaan ku soo laaban doonaan,isaga oo sheegay in ay jiraan dad Facebook ku qora in dalkan uu xun yahay balse looga baahan yahay in aysan dhageysan.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa saacadaha soo socda soo gaba gabeyn doona safarkiisa dalka Jabuuti,isaga oo dib ugu soo laaban doono Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.