Nabadsugida Jubbaland oo Soo Bandhigtay Ninka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Kulbiyow oo hoos tagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in ay Gacanta ku dhigeyn Ninka tirsanaa Al-Shabaab kadib dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada NISA ayaa waxa ay soo bandhigeen Ninkaas oo Magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Macalin Ibraahim Cabdow oo ka tirsanaa Al-Shabaab kana mid ahaa daagalamayaal  weerar ku soo qaadey Ciidamada deegaankaas kusugan ee Jubbaland.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in ay ka war heleen  ka hor inta aysan Shabaabku weerar ku soo qaadin fariisinka Ciidamada  Jubbaland kadibna jidka usii galeen taas oo keentey in ay gacanta ku dhigaan ninkaas oo dhaawac ah.

Sikastaba Warkaan ka soo baxay taliska ciidamada NISA ee dowlad Goboleedka Jubbaland weli wax jawaab ah kama biixn Al-Shabaab waxa uuna ku soo aadayaa xilli todobaadkii hore Ciidamada Dowladda Soomaaliya degmada Baardheere ay ku soo bandhigeen Wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka mid ahaa rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo weeraray degmada baardheere.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media