Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo oo ay ka wada hadleen hagaajinta, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah.

Danjire Lucas Tumbo ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo celiyeen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor