Ra’iisul Wasaraha Somaaliya Xasan Cali kheyre, oo Maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Sanadkaan ayaa uga mahadceliyay Wasaarada Waxbarashada Somaaliya sida wanasgan oo ay usoo diyaarisay jadwalka loo qaadayo imtixaanka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Xukuumada Somaaliya waqti badan ay gelisay sidii imtixankaan uu u noqan lahaa mid mideysan oo si Cadaalad ah u dhaca.
Dowladda Somaaliya ayaa Maanta markale Sanadkii Sadaxaad,waxa ay sirasmi ah u qaadeysaa Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada Sare,waxana ka qeybgalaya in ka badan 23,000 oo Arday.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha
Sawiro