Askari ka tirsan Ciidamada Minaashiibiyada loo yaqaano ayaa Askari kale waxa uu ku dilay qeybo kamid ah degmada dharkeenleey ee Gobolakan Banaadir kadib markii ay wada murmeen taas oo keentay in ay dagaalamaan.
Dilka kadib Askari ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya kuwaas oo dhaawacay islamarkaana Gacanta ku dhigay Askarigii Askariga kale ku dilay degmada Dharkeenleey.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkoodii ka hor uu xooggaa muran yar dhex maray taas oo keentay in mid kamid ah labada Askari la dilo, waxana rasaastii ku dhaawacmay qof kale oo goobta marayay.
Iskudhacyada ciidamada ka wada tirsan dowladda federaalka Somaaliya ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku soo batay gudaha Magaalada muqdisho,iydoo dowladda Somaaliya in ku dhow 2000,oo Askari ay ka qaaday gudaha Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga