AMISOM oo War cusub kasoo saartay ammaanka Shirka Madaxda ee Afisyooni

Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa War ksoo saaray amniga goobta lagu qabanayo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde.

Qoraal kasoo baxaya Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Amb. Francisco Madiera ayaa waxaa lagu sheegay in AMISOM ay damaanad qaaday Amniga Afisyooni ee uu ka dhacayo Shirka looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa.

AMISOM ayaa sheegtay in la dhameystiray howshii Guddiga farsamada ee qaabilsan amniga iyo howlaha kale ee shirka, isla markaana Francisco Madiera uu caddeeyay inay iyagu damaanad qaadeen amniga.

Habeenkii aheyd ayaa waxaa Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka Aadan kulan ku yeeshay Saraakiil ka socday dhinaca Madaxtooyada iyo Taliska AMISOM, iyagoona kala hadlay amniga goobta lagu qabanayo Shirka Madaxda ee furmaya.

Tallaabada AMISOM kula wareegtay Amniga goobta uu shirka ka dhacayo ayaa meesha ka saareysa isku daygii Villa Somalia ku dooneysay in amniga xaruntaas ay ilaalinayaan Ciidamada Madaxtooyada ee Koofiyo Gaduud loo yaqaano.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbaday in goobta lagu qabanayo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada Goboleedyada ay noqoto mid amni ah, isla markaana ay amniga goobta ku sugaan Ciidamada AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor