Deegaanka Lugbari oo qiyaastii 6km dhinaca Waqooyi Galbeed kaga began  Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Wararka naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in qoysas farabadan ay ka soo barakaceyn kadib markii uu ku soo fatahay Wabiga Shabeelle.
Qoysas farabadan oo ka soo cararay fatahaadaas ayaa iyaga oo Warbaahinta la hadlayya ayaa waxa ay sheegen in guryahoodii uu ka soo qixiyey farhaada Wabiga Shabeelle,isla markaana ay dabaal uga soo baxeyn deegaanadoodii uu ka kas oo barakiciyey fatahaada.
Waxa ay ka codsadeen maamulka Hir-Shabeelle iyo dowladda Soomaaliya in ay gurmad la soo gaaraana maadaama weli dad ay ku go’doonsan yihiin tuulooyinkii ay ka soo barakaceyn,isla markana aysan heysan hooy iyo baad intaba.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay waxa uu sheegay in dhibaatada ka jirta deegaannada Gobolka Hiiraan ay tahay mid ka awood badan Maamulka hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codadka qaar ka mid ah dadka soo barakacay.