Gadiidleyda Magaaladda kismaayo ayaa ka cabanaya sare u kac ku yimid qiimaha la-iibiyo Shidaalka oo sameyn ku yeeshey howshii isku socodka gaadiidka gudaha magaaladda.
Qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka ayaa waxa ay sheegeen in qiimaha Shidaalka uu kor u kacay gudaha Kismaayo taasna ay keentay in gaadiidleyda dhigaan banaanbax cabasho ah.
Gaadiidleyda ayaa ka codsaday Dowlad Goboleedka Juballand inay wax qabo arrintan laxiriirta qiimaha Shidaalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gaadiidleyda Magalada Kismaayo.