Maamulka Puntland ayaa manta waxa uu soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen in uu ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada Soomaaliland ee ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ee deegaanka tukaraq Gobolka Sool.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Korneel Muuse Axmed Yuusuf uu mudo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland basle ugu dambeyn uu ku soo biiray Puntland.
Korneel Muuse Axmed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu arkay cadaalad daro ka jirta Soomaaliland,isla markaana uu sidaasi ku go’aansaday inuu isaga soo baxo kuna biiro Maamulka Puntland.
Sidoo kale waxa uu sheegay inuu haatan diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah soomaaliland,si uu ula dagaalamo cadaalad darada ka jirta Soomaaliland waa sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Korneel Muuse Axmed Yuusuf.