Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xaafado ka mid ah laga maqalayo rasaas culus.
Dad ku sugan Magalada Baladweyne ayaa waxa ay dalsan u sheegeen in Kooxihii u abaabulnaa hab beeleed ay ku dagalaamayaan xaafada lagu Magacaabo raadeelka oo ka tirsan Baladweyne.
Dagaalka ayaa waxa uu salka ku hayaa dil Maalin ka hor Magalada Baladweyne loogu geystay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Baladweyne,waxaana xiisadaas ay taagan tahay maalintii Saddexaad oo xiriir ah.
Kulan looga hadlayay amniga ayaa ka socda Magalada Baladweyne kaas oo diirada lagu saarayay xiisada dagaal ee Baladweyne,hayeeshee warar haatan aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in goobta uu dagaalka ka socdo loo diray Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamay.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.