Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxa uu baaq u diray Ciyaartoydii horay u soo qaaday Koobka maamul goboleedya ee Soomaaliya kaas oo Muqdisho lagu qabtay Sanadkii Tagay kaas oo ay kusoo gulaysteen Xulkii ku ciyaarayey Magaca Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbadii uu ka horjeediyey Ciyaartoyda loo diyaarinayo Kismaayo wuxu yiriâ€Waxaa tihiin Safiir ka tirsan Puntland waa inaad ka shaqaysaan ciyaarta wanaageeda dulqaadna aad yeelataan,Waxaan sidoo kale idiin sheegayaa Kismaayo waa Puntland waxba kuma kala duwana u diyaar garooba sidii aad guushii hore oo kale u qaadi lahaydeen koobka soo socda†ayuu yiri Cumey.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa hadalkan sheegay xili uu magaalada Garowe uga qayb galay Munaasabad xariga looga jarayey Garoon Cusub kaas oo mid noqon doona Garoomada Magaalada Garowe.
Hoos ka dhagayso Codka.