Saddexda Madaxweyne ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib, markii ay kulan Wadajir ah ku yeesheen magaalladda SOOJI ee loo dalxiis tago ee dalka Raashiya.
Madaxweyne Valadamir Putin ayaa sheegay inay Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Xasan Ruuxaani taageereen Hindisaha qabsoomida Shirweynaha Kongareeska Syria, kaasi oo si wadajir ah la isugu keeni doono Madaxda Dowladda Syria iyo Kooxaha Mucaaradka.
Shirwynahaasi ayaa la rajeynayaa in lagu qaban doono magaalladad SUUJI ee dalka Raashiya.
Dhinaca kale, Bishan 28-da waxa magaalladda Jineefa ka furmi doona Wareegga 2-aad ee Wada-xaajoodka QM ee u dhexeeya Ergooyin ka kala socda Dowladda Syria iyo qaar ka mid ah Kooxaha Mucaaradka Hubeysan.