Iyadoo maanta ay ku beegantahay 10-ka Bisha October oo ah maalinta loo aqoonsaday cudurka dhimarka aduunka ayaa Dr.Cabdullaahi Muuse Axmed oo kamid ah dhaqaatiirka ka howlgala Muqdisho waxa uu sheegay in maalintaan la asteeyay sanadkii 1992-dii,isagoona ka hadlay sababta loo asteeyay.
Dr.Cabdullaahi Muuse Axmed oo Wareysi siiyay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in sababata cudurka dhimarka aduunka loo Asteeyay ay tahay in lagu Xasuusta dadka qaba cudurka dhimarka,isla markaana lagu Ogaado waxyaaba keena Xanuunadaasi.
Sidoo kale Dr.Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa sheegay in Dalka Soomaaliyeed hadda uu ku badan yahay waxyaabaha la xiriira cudurka dhimarka,iyadoo ay u wacan tahay ayuu sheegay Dr. dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gudaha Dalka.
Waxa uu tilmaamay Dr.Cabdullaahi in waxyaabaha keeni kara cudurka dhimarka ay qeyb ka yihiin Muqaadaraadka iyo dadka shacabka oo liita dhaqaalahooda,isagoona xusay in kuwaasi iyo kuwo kale oo badan ay keeni karaan Cudurka dhimarka.
Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa lagu qabanayaa munaasabad lagu xusayo Maalinta Dhimirka Aduunka.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Dr.Cabdullaahi Muuse Axmed oo dhameystiran.