Weli waxaa Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ku sii qul qulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya halkaas oo la filayo in goordhow uu ka furmo kulanka Golaha Shacabka oo ay xildhibaanada Maanta kala wataan laba Ajende oo kala duwan.
Xarunta Golaha ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya,kuwaas oo amniga xaqiijinaya,iyada oo baaritaano lagu sameynayo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee xarunta galaya.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka wada Gudoomiye Jawaari oo goordhow la hadlay Dalsan ayaa sheegay in weli ay ku sugan yihiin banaanka hore ee Xarunta,isla markaana aan la furin albaabka Xarunta.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada labada dhinac ay ku wada sugan yihiin Xarunta,isla markaana ay sikala gooni gooni ah u wada shirayaan,iyada oo uu sheegay in haatan uu jiro diyaar garoowgii ugu dambeeyey ee kulanka.
Waxaa la weydiiyey Su’aal aheyd cida kulanka shir gudoomineysa maadaama uu muran ka taagan yahay,waxa uuna sheegay in Jawaari uu mooshin ka yaallo,isla markaana kusimaha uu kulanka shir gudoomin doono.
Wararka ugu dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan ayaa waxa ay sheegaayan in amniga Xarunta siweyn loo adkeeyey xildhibaanada baaritaan xoogleh lagu sameynayo,iyada oo ilaaladooda looga reebayo baro koomtorool oo loo cayimay.
In kastoo aan weli laga hordhici Karin natiijada ka soo bixi karta kulanka ayaa hadan waxaa laga cabsi qabaa in kulanka ay rabshado ka dhacaan maadaama xildhibaanad ay kala wadaan laba Ajande oo kala duwan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.