Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Jarmalka waxa uu si rasmi ahaan u shaaciyey inay soo gebagebeeyeen Hawlgalkii ay Ciiddanka Hubeysan ee Jarmalka ku joogeen Somalia tan iyo sannadkii 2010-kii.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddankaasi dibรย ugu soo laabteen dalkooda hooyo, iyadoo ay Ciiddankaasi qeyb ka ahaayeen Saraaklishaรย Milliteriga Midowga Europe ee tababarka siiya Ciiddanka DFS.
Bishii Feberayo ee la soo dhaafay ayey Wasaaradda Difaca ee dalka Jarmalka ku dhawaaqeen inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Somalia, isla markaana ay DFS ka taageeri doonaan Arrimaha Siyaasadda.
Dhinaca kale, Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe waxay bishii December ee sannadkii 2016-kii xilliga u kordhiyeen Ciiddankooda ka hawl-gala Somalia, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 160 Askari