Shir lagu lafa-gurayo dhaqaalaha Dowladda oo Maanta u furmay Somalia & IMF

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka furmay shirka  dowladda Federaalka hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu lafa-gurayo heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa Soomaaliya, sida ay ku warrantay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumada Fadaraalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray xoojinta dhaqaalaha mustaqbal ka dhaw ee dalka.

Wasiirka ayaa u mahadcelinayay dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka kala qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor