Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Dhuusamareeb ayaa si kuul uga hadlay dagaalka Kaxandhaale,isaga oo dhinaca kale eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka.
Waxa uu marka hore Madaxweyne Xaaf u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalka Kaxandhaale,sidoo kale waxa uu caafimaad u rajeeyay,waxaana uu ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya inay joojiyaan.
Ku dhawaad 200 oo ruux ayuu sheegay in dagaalada ka socda Kaxandhaale iyo tuulooyinka hoostaga Maxaas ay ku geeriyoodeen kuna dhaawacmeen ilaa iyo haddana aysan jirin wax natiijo ah oo laga gaaray.
Waxa uu markale ku celiyay in Galmudug ay leedahay cadaw loona baahan yahay in hubka la isku adeegsanayo lagu rido,hayeeshee reer Galmudug aysan dhexdooda ku dagaalamin.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in 19 bilood uu hayo xilka Madaxweynaha Galmudug ay dowladda Federaalka dagaal kula jirto,waxaana uu ku eedeeyay in lacagihii dowladda siin jirtay iyo kuwi Caalamka ka imaanayay intaba laga jartay.
“Runtii dowladda Federaalka dagaal ayay nagula jirtaa dhaqaalihii waa nagala jaray 19 bilood aan jirnay,maalin walba Guddi federal ayaa naloo soo diraa kuwaas oo Galmudug burburinaya ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.
Dowladda Federaalka ayuu sheegay in Galmudug ay Gacmaha ka xirtay,isla markaana Wufuud ay maalin walba u soo dirto deegaanada Galmudug,kuwaasina ay Galmudug daaqada kasoo galaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Galmudug.