Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Galabta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyay wafdiga Wasiirka.
Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomalaiya ayaa sheegay in wafdi wasiiro ah oo uu ka mid yahay ay tegi doonaan deegaanka Gelinsoor,isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan joojinta dagaal beeleedyada.
Waxgaradka deegaanadaas ayuu sheegay inay kala tashan doonaan sidii xal looga gaari lahaa dagaaladaas.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in wafdiga ay sidoo kale ay tegi doonaan tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee G/Hiiraan oo ay dagaal beeleedyada ka dhacayaan,waxaana uu ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaladaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.