Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlayay Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulkaas ayaa sheegay in dhawaan lasiin doono qalabkii ay ku Shaqeyn lahaayeen.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska Galmudug ay muhiim tahay inay ogaadaan dhaq dhaqaaqyada dhinaca amniga ah ee ka socda deegaanada Galmuudg.
Waxa uu ku amray Ciidamada Booliska Galmudug inay la socdaan cid kasta oo soo galeysa deegaanada Maamulkaasi Galmudug.
Hadalka Madaxwyene Xaaf ayaa ku soo aadaya xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa Maamulkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.