Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray ….

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dalkooda ay iyaga dhistaan,isla markaana aysan ku tashan Gacmo shisheeye.

Waxa uu sheegay in aan la sugin Gacmo shisheeye iyo dhaqaalo shisheeye,hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed ay ku tashadaan xoogooda iyo maalkooda.

“Cid walba oo qeyb ka ah dib u dhiska dalkiisa waan u mahad celineynaa,ma waxaan suqeynaa gacmo iyo  dhaqaalo shisheeye mise anaga ayaa isku tashano oo is xilqaano,waxana noo bilaawday dhismaha dalkeena,ayaan dhaweyd waxaana bilaawnay dhismaha Tiyaatarka maanta Madxafka meelo badan waan ku dhisi doonaa ayuu yiri Madaxweynaha.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dalkaan Gacmahooda ku dumiyeen,hayeeshee laga doonayo inay gacmahooda ku dhistaan.

Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor