Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe oo xubno cusub magacaabay

Madaxweynaha Maamulka la magac baxay dowlad goboleedka Gobolada Dhexe Dr Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay xubno ku biiray madaxda degmada Dhuusamareeb.

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula oo ah Afhayeenka Maamulkasi ayaa radio Dalsan uga warbixiyay sida loo kala magacaabay xubnahasi.

Cabdullahi Maxamed Bare,gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb ahna duqa magaalada.

Macalin Faarax Maxamed Faarax,Gudoomiye ku xigeenka 1 aad ee degmada.

Cabdiqaadir Axmed Cali Xasan,Gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee degmada.

Bishaaro Sheekh Maxamed Cardoofe,xoghayaha dhaqaalaha iyo maaliyada.

iyo Faadumo Maxamed Jaamac,xoghayaha horumarinta daryeerlka qoyska iyo ka hortaga caadooyinka xun.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor